Somaliland president's speech

 Madaxweynaha somaliland 

Maanta madaxweynaha somalilad  wuxuu jeediyay khudbadiisii sanadlaha ahayd ee uu ka hor jeedin jiray baarlamaanka somaliland 

Khudbadan oo sanad kasta dhacda oo arimo badan uu kaga waramo madaxweynuhu  ayaa xiligan waxaad moodaa inay buuq gaara samaysay intii aanu jeedin madaxweynuhu khudbadiisa taasi oo xildhibaanada qaar sheegeen inayna kasoo qayb galayn khudbada madaxweynaha ee dhacaysa


Hadaba arimo quseeya dalka ayuu kusoo qaataa iyo xaalada uu wadanku marayo isagoo marba hawl ka hadla oo ka sheekeeya arimaha taagan iyo kuwii dhacay iyo kuwa soo socda ee qorshaha ugu jira  


Inta badan waxaa dhacda inay xamaasad badan yeelato khudbadu dadka iyaga laftirkoodu si gaara ayay ufiiriyaan khudbada madaxweynaha iyagoo eegaya wuxuu ka hadli doono 

Shacadbka laftoodu waxay faalnqeeyaan arimaha uu madaxweynuhu ka hadli doono iyagoo rayi kala duwan ka dhiibta arimaha uu soo qaadan doono madaxweynuhu 

Maanta wuxuu ka hadlay arimo badan 

Waxaa kamida 

1 is afgaradkii somalinad iyo itoobiya dhex maray ee heshiiskii badda  wuxuuna yidhi itoobiya waxaa udaran inay hesho badda cas innagana waxaaa inoogu daran inaynu ictiraaf helno


2 waxaa kale oo madaxweynuhu ka hadlay waa arinta ictiraafka 

Wuxuu yidhi gudiga doorashooyinka qaranku waxay uqorsheeyeen miisaaniyadda doorashada 16 milyan waxaana dheer 2 milyan oo lasiinayo ciidanka ilaalinaya amniga 

Taasina waxay ka dhigantahay 18 milyan oo loogu tala galay doorashada  

3 wuxuu ka hadlay miisaaniyada soo gala dawladda sanadkii isagoo tibaaxay inayna ahaym faqiiriin baahan wuxuuna xusay madaxweynuhu 

In sanadkii miisaaniyadda  ama dhaqaalaha guud ee soo gala somaliland ay tahay 4 bilyan ogaada faqiiriin ma nihine 

4 waxaa kale oo uu sheegay madaxweynuhu taasi oo ku saabsan dhinaca horumarka 

In xukuumaddu isku gayn dalka oo dhan ay ka dhistay 516 km laami ah iyo 10 biriish 

Intaasina waa horumarka uu sheegay inay ku talaabsadeen 

Dhinaca kale hadii la eego waa horumar wayn oo fiican in 11 biriish laga dhiso dalka madaamoo wax qabadka dawlada la dhaliilo hadana waa horumar fiica  waxaa kale oon yarayn iyana in 516 km oo laami ah la dhiso ma yara sababtoo waa kilo mitir wayn tirada intaa leeeg ee la hirgeliyey 

5 waxaakale oo uu sheegay madaxweynuhu in dawladda somaliland markii u horeysay ay hirgelisay mashruuc  diyaaradeed oo somaliland yeelanayso wuxuna yidhi madaxweynuhu

Somaliland markii u horreysey waxay bilowdey aas aaska  somaliland  Airline

Arintaasina waa arin fiican oo lagu talaabsaday dhinaca horumarka 

6 waxaa kale oo uu sheegay madaxweynuhu in biyaha  maanta ay yihin kuwo ku filan  magaalada 

Wuxuuna yidhi madaxweynuhu 

Biyaha aaan maanta soo saarno waa biyo ku filan ama dhadhawaynaya magaalada ilaaa 1M oo qof

Arintaasi iyana waa horumar lagu talaabsaday oo ay somaliland gaadhay   

7 waxaakale oo uu sheegay madaxweynuhu in 2017 ilaa 2023 dalka laga dhisay xarumo caafimaad oo dhan 2393 oo isugu jirta hosbitaalo MCH-YO  iyo xarumo caafimaad 

Taa hadii aynu eegno waa arin horumar wayn u ah somaliland oo lagu talaabsaday dhinaca horumarka  

8 waxaa kale oo uu sheegay madaxweynuhu in golaha wakiiladda ee hadda fadhiya muddo sadex sanadood ah ay ansixiyeen kaliya hal xeeer 

Si kastooy tahay madaxweynaha somaliland maanta wuxuu ka hadlay qodobo ama arimo badan oo kala duwan taasi oo dhinacyo badan taabanaysa  

  Hadaba arima badan ayay warbaahinta laftirkeedu siyaabo kal duwan uga hadlaysay 

Iyagoo soo qadanaya hadalada madaxweynaha ee kala duwan oo kolba qodob si gaara usoo qaadnaya    iyagoo soo gudbinaya hadlada madaxweynaha 

Dadka laftigoodu siyaabo kaka duwan ayay uga hadlayeen qodbada madaxweyanah  qofkastaana hadba fahamkiisa iyo wixii uu ka fahmay ayuunbuu ka hadlayay isagoo leh anuu intaasaan ka fahmay 


Si kastooy tahay madaxweynuhu maanta hadalkiisa wuxuu kaga hadlay qodobadaa kala duwan ee aynu kor ku sheegnay 

Intaasina ay ka mid tahay oo ay isugu jirto dhinaca horumarka dhaqaalaha wax qabadka waana intii looga baahnaa inuu ka hadlo oo dadka u jeediyo iyo baarlamaankaba si loo dhugto hadalada madaxweynaha 

Intaasiba waxay ka timid dawladnimada madaamoo intay dawladi jirto horumar badan la gaadhi karo hadii dawladi jirin amni jirin kala danbayn jirina may suurto gasheen in layskugu yimaaado golaha noocan oo kale ah taasi oo lagu falanqeeyo wax qabadka dawladu uqabatay shacabkeeda 

Ilaahay haynoo siyaadiyo amniga iyo kala danbaynta intaan haysanna ha siiyo amni iyo kala danbayn 


Allaaah ayaa mahad iska leh 


WQ:FARXAAN CABDILAAHI CABDI

 

Post a Comment

0 Comments