Wa ayo hogaamiyuhu
Hogaamiyaha marka hore waa xil culus oo saaran qofka umad masuulka ah kaasi oo ilaahay kala xisaabtami doono maalinta qiyaamaha ee ilaahay la hor geyn doono midaasina waa mid uu ogsoonayahay oo uu ka dheregsanyahay qofkasta oo madaxtinimo usocda ama daba jooga sidii uu madaxweyne unoqonlahaa
Madaamoo xilkaasi sidaasi u culusyahay hadana waxaad arkaysaa bulshada oo dhami inay jeceshahay hogaaminta ama in madax uu noqdo hogaamintaa la jecelyahayna aakhiro waxay noqondoontaa mid laga cararo oo laga shaleeyo waayo qofku wuxuu jeclaanayaa inuu ahaaado qof aaan tiisa mooyee tukale lawaydiin inkastoo maanta loo kala ordayo hadana beri waxay noqonaysaa mid laga xumaado maxaa kugu watay uu qofku is dhaho marka alle la horgeeyo
Hadaba xaqiiqda dhabta ah ayaa waxay tahay inaan loo cararin hogaaminta iyo madaxtinimada madaamoo shalaytadaa ay noqonayso beri marka ilaahay lagu hor geeyo hogaamintuna
waxay sharaf leedahay
waxay karaamo leedahay
waxay qurux leedahay
Waxay wanaagsantahay
Waxay wacantahay
Waxay ku fiicantahay
Marka adiga oo aan ujeedin
Ucararin
U ordin
U daba socon sida dadka jecel ay udaba socdaan
In ay fadhiga kuugu timaado oo lagu doorto oo lagula jeclaado oo lagu la soo doonto inaad madaxweyne ama umad hogaamiso
Markaa lagula soo doonto alle ayaa markaana kula garab galaya oo kuu fududaynaya xilkaa culsu ee laguu igmaday hadii alle garabkaaga noqdo cid kaa hor istaagi kartaaa ma jirto waxkastana fudayd ayay kuu noqonayaan mar hadii alle wax kuu fududeeyana wax kugu cuslaanayaa majiro
Si kastooy tahay hogaamiyaha dhabta ah ee cinwaankeena aan ka dhiganay waa midka ogsoon ee dareensan in aakhiro su aaal kadanbayso oo la waydiindoono su aashaasina hortaaalo marka alle la horgeeyo qofka intaasi waxay gogol dhig utahay waxay assal u tahay hogaamiyaha dhabta ah sifooyinka laga rabo hadii aaanu sifadan lahayn mahan hogaamiye dhaba mana noqonkaro hogaamiye dhaba
Waayo waxaaa ka maqan assalkii dhamaa ee hogaamiyuhu ku taagnaa ee laga rabay inuu yeesho hogaamiyaha dhabta ahi assalka dhabta ahi hadii la waayana inta kale waa la waayayaaa
Hogaamiyaha dhabta ahi waa midka shacabdkiisa iyo umadda uu masuulka ka yahay ay usimanyihiin ee ayna waxba ku kala duwanayn dadka uu masuulka ka yahay hadii hogaamiyuhu shacabkiisa iyo umadiisa usinnaadaana waa mid guul u ah iyo sifo wanaagsan iyo higaamin wanaagsan oo uu ku sifaysanyahay hogaamiyahaasi
Hadii hogaamiyuhu dadkiisa iyo shacabkiisa kala qobqobo oo kala fogeeyo qaarna soo dhawaysto qaarna fogeeyo
Taasi mahan mid uwanaagsan hogaamiyaha
Hogaamiyaha dhabta ahi waa midka shacabkiisa ka war haya oo wuxuu ogsoonyahay waxa ka maqan ee baahiyo ah iyo baahiyaha ay ubaahanyihiin wuxuuna dareensanyahay in shacabkani oo duruuftooda lala socdaa ay tahay mida kaliya ee ay kuwada soconkaraan isaga iyo shacabkiisu waana xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxaynkara isaga iyo shacabkiisa waana mid ay ku jeclaanayaan shacabku hogaamiyahooda oo waxay dareensanyihiin in hogaamiye naxariis leh utaliyo
Hogaamiyaha dhabta ahi waa midka shacabkisa la jecel inay horumaraan
Wuxuuna horumarka shacabkiisa horumarinayo ka dhisayaa kaabayaasha dhaqaalaha
waxbarashada
wadooyinka
Biyaha
Laydhka
Amniga ana xasiloonida
Waxyaabaha uu ka dhisayo dadkiisa kuwaasbaa ka mida
Hadii shacabku waayaan waxbarasho wanaagsan hadii ay waayaaan biyo nadiifa hadii ay waayaaan jidad wanaagsa oo ay maraan hadii ay waayaan amni ama xasilooni
Shacabkaasi waxay xaqiiq ahaan wajahayaan nolol adag oo horumarkii uu ka maqanyahay
Hadii hogaamiyuhu dhaqaaale ku filan uu hayo
hadii aaanu haynin dhaqaale ku filan hogaamiyuhu taasi waa duruf gaara oo ku xidhan hadba sidii umada wax loogu qabankaro
Hogaamiyaha wanaagsani shacabkiisa wuxu ku xukumaa wuxuu ku maamulaaa wuxuu ku hagaa cadaalada masoo kala dhawaysto dadkiisa oo midna ma fogeeyi midna ma soo dhawaysto isagoo kala xigsanaya ee wuxuu ku dedaalaa sidii uu shacabkiisa cadaalad u gaadhsiinlahaaa
Hadii cadaalad darro timaaado oo umada cadaalad darro haysato hogaamiyahaasi waa mid guuldaraystay dawladiisu inay sii jirtana way adagtahay waayo dadka waxaa deeqa waxaa isku haya waa cadaalad taasi marka ay meesha ka baxdana wax waynbaa halkaaa ka baxay oo umadu kukala soconlahayd hogaamiyuhun wanaag iyo sharaf uu ku mutaysanlahaaa
Hogaamiyaha wanaagsani waa mid dadka u ilaaliya diinta iyo dhaqanka wanaagsan hadii diintii weerar lagu hayo oo umadiisii diin la.aan ay ku dhacayso ama ay haysataba hogaamiyahaasi mahan mid ilaaliyay shaygii ugu mudnaa inuu ilaaliyo oo ah diinta hadii umada diinta laga fasahaadiyo oo umada gaalo qabsato oo umada soo baxdo diin la.aan xaqiiqatan isagaa aakhira la waydiinayaa madaxda wadanka haysata ee maamusha waayo diinta waa arimaha ay ku dhaartaan marka la dhaarinayo
Taas hadii la waayana dhaartii uu dhaartay ayaa meesha ka baxaysa oo buraysa taaasina waa mid hortaaala oo ilaahay kala xisaabtami doono maalinka qiyaamaha
Waana waajib saaran madaxweynaha inuu ilaaaliyo diinta islaamka ee suuban
Sidaas ookale waxaa iyana meesha taaal oo mudan in la ilaaliyo waa dhaqanka wanaagsan ee dadku leeyihiin dhaqanka ay leeyihiin waaa midka shareecada islaamka waafaqsan
Ee ilaahay raalida ka yahay hadii dhaqanku diinta alle waafaqsanayn waa dhaqan aaan wanaagsanayn oo xun
Dhaqanka wanaagsani waa midka ayna shareecada islaamku diidin ee ay ogoshahay
Hadaba hogaamiyuhu ha ogsoonaado qodobadan oo naftiisa ha eego inay ku sifaysantahay iyo inaanay ku sifaysnayn
Qodobadan iyo kuwakaleba ee shareecada islaamku amrayso hoos ha u eeego hogaamiyuhu
Alle haka baqo markasta oo marwalba ha xasuusnaaado in alle waydiindoono xilkaaa culus ee hayo
Allaaah ayaaa mahad iska leh
WQ:FARXAAN CABDILAAHI CABDI
0 Comments