Who is the good person???

 Qofka wanaagsan iyo waxtarka uu leeyahay wanaagu


Shaqsiyadu waa arin inta badan ku tacaluqda qofka waayo shaqsiyad waxaynu nidhaahnaa qofka naftiisa shaqsiyadu waa qofka iyo siduu naftiisa ka dhigo 

Hadaba shaqsiyada wanaagsani waa qurux iyo qiimo uu ku sifaysanyahay qofka wanaagsani wanaaguna waa laba mid wanaag uu qofku udhashay oo uu ku sifaysanyahay marwalba iyo mid kasbasho ah oo uu qofku kasbaday aqoontiisa iyo aragtidiisa uu la kaashaday aqoonta wanaagsani waxay qofka ka dhigaysaa shaqsi wanagsan oo dadnimo iyo xurmadba le waayo wuxuu garanyaaa wuxuu fahamsanyahay muhiimada ay leedahay wanaagu iyo qofku inuu wanaagsandaa siday naftiisa ugu fiicantahay iyo isaga laftigiisu wanaagaa waxa uu ka helayo iyo muhiimada ay u leedahayba naftiisu inay wanaagsanaataa

Qofka wanaagsam dadkaa jecel waayo wuxu tusay ficil qurux badan oo wanaagsan oo ay kaga dayan karaan hadii uu san wanaag tusilahayn sideebay dadku ku jeclaanlahaaayeen taaasi ma dhacdeen inay dadku jeclaadaaan qof aaan samayn sabab ay ujeclaadaan laakiin  qofka in la jeclaado oo uu bulshada qiimo ku yeesho waxaa keeena hadba inta uu wanaagiisu iyo ixsaankiisu leegyahay hadii uu qofku yahay qof liita oo aaan aqoon wanaaga iyo ixtiraamka uu bulshada ixtiraamayo ama wanajinayaba ma garankaro wanaaga iyo  waxyaabaha laga dheefo

Bulshadana saamaynta aad samaynayso waxay ku xidhantahay inaad naftaada ka shaqayso oo soo hagaajiso marka hore 

Qofka wanaagsani bulshada uu la noolyahay faaidooyin badan ayuu uleeyahay faaidooyinka uu u leeyahay waxaa kamida wanaagiisa ayu bulshada wax ugu qabtaaa hadba wixii taagan ayuu bulshada uu ja taageeeraaa waayo wanaaga la sheegaab waa damiirka saxda ah ee uu qofku leeyahay hadii uu san qofku damiir sax ah aaanu lahayn garanmaayo wanaagu wuxuu yahay 

Hadaba hadii aaad rabto inaaad noqoto qof dadka anfaca ku dedaal inaaad hagaajis hab dhaqankaaga aaaad bulshada la dhaqmayso.oo samee soo jiidasho iyo inaad dadka ku hagto dhabada saxda ah wixii aaad u qabankartana aaad bulshadaada u qabato waa inay bulshadu kaa aragto ficil ka turjumaya oo ah waxa qalbigaaga ku jira ee wanaag ah hadii waxa lagaa arkayo xumaan ay tahay iyo dhaqan liita ficilkaaguna yahay ficil xun oo wanaagsanayn bulshaduna waxay qiimaynaysaaa ficiladaadaa aaad samaynayso hadii ficilkaagu yahay ficil wanaagsan bulshadu waxay qiimaynaysaa waa ficilkaagaa wanaagsan eed tustay hadii ficilkaagu xunyahayna  bulshadu waxay qiimaynaysaa ficilkaagaa xun eed samaynayso 

Hadaba mararka qaar hadii hadal aanad oo dhan oo dadka dhaqankaaga dhabta aaanay ka arkin hadal kaa soo baxay ogow bulshadu waxay qiimaynaysaa waaa ficilkaaga aaad samaynayso iyo hadba intaa uu leegyahay ficilkaaagu 

Madaamoo ficilku raad uu ku yeelanayo dadka waa inaaad markasta dhaqankaaga ku wanaajisaa oo ku hagaajisaa ficilka aaad samaynayso 



Waxyaalaha uu ku wanaagsanyahy qof wanagsani iyo sida loo kasbada wanaga waxa kamida 

1 inuu qofku naftiisa aqoon uyeelo oo aqoontu waxay ku hagtaa wanaaga iyo habdhaqanka wanaagsan oo qofku dhaqankaaa wanaagsan waa inuu kasoo bartaa diinteena islaamka 

2 inuu naftiisa si dhaba ula hadlo isagoo go.aankiisa ku salaynaya inay wanagu naftiisa ay u tahay shay qiimo badan alle uu ku raali gelinayo bulshadana hadba sidi uu ula dhaqmo ay ula dhaqmayaan 

3 inuu qofku wanaga ficil iyo qawlba uu kaga dhabeeyo oo ficilkiisa iyo qawlkiisuba aaanay kala duwanaanin hadii kala duwanaadaaan taasaaa ka xunba  qofka xumaanta badheedhka ah kula soo galaya

4 waaa in uu ogaadaa in dadka hadba saamayntiisa iyo dhaqanka uu siinayo hadba inta uu yahay ay isna siinayaan 

5 waa in qofka bulshadiisa uu la noolyahay utaraa wixii uu awoodo ficil wanaagsan iyo qawl wanaagsanba wax ugu taraaa 

6 waa in qofkii wax ka tabanaya ficil iyo qawl wanaagsanba uu ku qanciyaaa 

7 waa inuu qofku markasta isku dayaa inuu hagaajiyo nadiifiyo qalbigiisa oo xasadka xumaanta cuqdada uu ka saaro qalbigiisa waayo qof intaaa ay qalbigiisa ku jirto wanagu wuu ma dheeryahay suurtagalna mahan inuu qofkaas wanaagsanaado 

8 waa inaad qofka wax ka qaldanyihiin waanisaa oo wax usheegtaaa adoo tusaya wanaag inaaad ka rabto ood la jeceshahay inuu wanaagsanado waayo wanaagaa aad tustay iyo wax sheegaagaaas inay saamayn ku yeelato ayaa dhicikarta qofka adina uu kaa arko wanaag iyo dabacsanaan 


Ilaahay haynaga dhigo shaqsi wanaagsan oo bulshadana hagaajiya 


Allaaah ayaa mahad iska leh 


WQ:FARXAAN CABDILAAHI CABDI 

Post a Comment

0 Comments