what is a bad person???

 




Shaqsiga xumi waa qof naftiisa iyo dadnimadiisa xuntahay oo inta badan waxa uu ka duulaa dantiisa gaarka ah isagoo ka doorbidaya danta dadkakale ee uu la noolyahay madamoo shaqsi xun uu yahay oo dadnimadiisu xuntahay 

Shayga la dhaho danaysiga waxa ku sifaysan inta badan qofka xun waayo markastaba waxa uu jecelyahay in dadku isaga hoos yimadaa uu ku caga jugleeyo wuxuu doono uu ku sameeyo siduu doono uu ka yeelo hadba halka uu rabo uu dadka u ka xaysto 

Waxaa agtiisa ka maqan in dadku yihiin dad sidiisa ookale ah oo wax tabaya waxna doonaya waxna raba intaaas oodhan wuxuu kusoo koobayaa waa naftiisa iyo doonistiisa 

Qofka noocan ah dadku way nacaan oo way necebyihiin markay arkaan hab dhaqankiisa sida uu yahay ee uu uliito qalbiga ayayna ka nacaan madaamoo bani aadanka uu u arko dad isaga ka hooseeya 

Shaqsigaasi isna wuu imtixaamanyahay imtixaanka uu ku jiraana waaa dhibtaa haysata ee aaan wanaagsanayn ee isba uu ogyahay mushkilada haysataa nooca ay tahay si kastoo uu yahay qofkaa danaystaha ahi hadana dhib kastaa isaga ayuunbay dib ugu soo noqotaa sababtoo ah qofkasta waxkasta oo uu sameeyo oo danbi ah ama qalad ah isaga ayuunbay aakhirka dhibkaasi kusoo noqdaa inkastoo is yidhaahdo bulshada dhib hadana xaqiiqatan dhibnaha dhabta ahi waaa isaga laakiin ma dareensana inta uu xaaladan ku jiro ee wuxuu dareemikaraaa xaalada marka uu ka baxo ee alle ka caafiyo markaaas ayuunbuu dareemikaraaa dhibkii haystay intuu ahaaa 

Dadka ka waaaniyana waxa lagayaabaa inuu u arko kuwo qaldan oo isaga soo abaaraya oo mushkilad ku haya isaga laakiin madareensana inay isaga nasteex uyihiin oo ay la rabaan wanaag iyo karaamaba waayo markasta waxa qalbigiisa ka quuxayaa waaa dhibka uu ku hayo qalbigiisa shaygan xun ee danaysiga la yidhaa 

Waayo waa cudur ku dhaca qofka qalbigiisa waana cudur nafsi ah oo cudurada qalbiga ku dhaca kamida qofka bani aadamka ah hadii uu qalbigiisu caafimaad qabo oo aanu dhibaato dareemayn inta badan xanuunkan iyo kuwa lamidka ahiba wuu ka caafimaad qabaa qofkaasi hadiise uu dareemayo xanuunadan dhab ahaan qofkaaasi waa qof xanuunsan oo qalbigiisu xanuunayo 

Waxyaabaha cudurkan daawada u ah waxaa kamida

1 inuu qofku marka hore alle baryo inuu kasaaro alle dhibka haysta ee ku habsaday xiliyada ducada la aqbalana uu ku hagaajiyo 

2 inuu si dhaba qalbigiisa iyo naftiisa ula shaeekaysto isagoo xaqiiqada wajahaya runtana u sheegaya naftiisa inuu xaalada bedelo go.aan adagna uu ku gaadho inuu xaalkan bedelo

3 inuu dadka iska cafiyo oo uu bulshada ku eego inay dadku isaga lamidyihiin wixii dhibayana dadka kalena uuu dhibaayo 

4 inuu bedelo saaxiibo xunxun haduu leeyahay oo iyaguna sidiisa oo kale ah oo saamayn ku yeelankara qofka hadii uu soo laabanayo oo uu toobadkeenayo

5 inuu qaladkiisa qirto bulshadana cafis waydiisto cidii uu sidaa ku sameeyey ee uu dantiisa ka hormariyay danahooda si aan wanaagsayn ama uu ku danaystay markii uu muhiimadiisa gaadhayna dadkaas faraha ka qaaday

Kuwaas inuu cafis waydiisto waa shay kamida soo laabashada waayo wuxuu qirsan yahy inuu gafay hadii uu qirsanyahay inuu gafayna waxaa dhib yaraanaysa inuu soo laaabto


Ilaahay ayaan ka magan galaynaaa cudurkasta oo xun oo qalbiga ku dhaca


Allaah ayaa mahad iska leh


WQ:FARXAAN CABDILAAHI CABDI

Post a Comment

0 Comments