Samafalaha cajiibka ah ee (keith)
Samafalku waa shay muhiim ah oo wanaagsan qof kastaana wuu garanayaa sidaa uu u wanaagsanyahay samafalku hadaba maadaamoo muhiim uu yahay samafalku dadka qaaar ayaa uu alle udiray inay umadda u adeegaan oo wax uqabtaan si ay horumar u gaadhaan umadana u gaadhsiiyaan horumar oo tabashooyinka ay tabanayaan umadu wax ugala qabtaan intii ay awoodaan
Qofka alle ka dhigo mid umadda u adeega oo ushaqeeya qofkaaas wuxuu ahaanayaa mid alle wanaag agtiisa dhigay oo uu alle ka yeeelay mid wanaagsan oo ixsaan iyo samafalba leh shaqada samafalkuna waa shaqooyinka ugu wanaagsan ee qofka hadii uu qabto uu ku liibaanayo aakhiro iyo aduunkaba waayo wuxuu hayaa shaqo dadka intooda badani ay mooganyihiin oo aysan haynin
Hadaba qofka qofkale wax u qabanyaa waa qof dareen dhaba oo qofkakale haysta raba inuu dareenkiisaa dhabta ah ee wax la.aanta uu wax kala qabto qofku marka uu ka farxiyo qofkale oo dhibaataysan farxadda uu farxayo iyo ducada uu ducaynayo waa dareen kasoo baxaya qofkaa kale ee dhibaataysan waana dareen dhaba oo qofkaasi muujinayo dareenkaa markaa uu muujiyo qofku wuxuu uducaynayaa si niyad ah qofkaas ka farxiyay uu ugu ducaynayo
Farxadda uu farxayo iyo kurbada iyo dhibaatada haysatay marka uu qofku ka faydo miskiin dhibaataysan laba arimoodba wuu helayaaa qofkaaasi
1 farxadda uu farxay qofkaasi iyo dejinta uu udejiyay xaalkaa qofka dhibaataysan waa midda koobaad ee qofku ka helayo wanaag aaan duugoobayn farxadaasina waxay si dhaba ugu gudbinaysaa qofkaas wax bixiyay dareen uu qofku ka dareemo qalbigiisa dareenkaas oo ah mid naxariisa taasi waaba ducada dhabta ah ee qofka ku dhacaysa
2 marka uu qofku farxo oo uu dareemo farxad iyo neecow iyo dhibta haysatay culayskeedii oo wax lagala qabtay markaana qofku wuxuu si niyadi kasoo go,day ugu duceynayaa qofka kale ee wax siiyay duco qalbiga kasoo go,day carabkana uu ka akhrinayo taaasina waaa mid udhaw in alle aqbalo
Labadaa arimoodba waa arimaha laga helo nidhaha samafalka uu qofka samafalka ahi ka helayo waana midho runtii aaaaad uqiimo badan midhahaasi
Si kastooy tahay xaaladu markasta waaa duco qabe qofka samafalka ahi
Waxaad dareemaysaa dareen naxariiseed waxaad ogaanaysaa dhibka iyo culayska umada haysata hadba intuu leegyahay
Waxaas ogaanaysaa in mushkiladaha haysta umada ay badanyihiin waxaad dareemaysaa farxad iyo raynrayn qofka wax bixinaya laftarkiisa ayaa dareen farxadeed iyo wanaag qalbigiisa ka dareemaya marka uu madaakiinta wax siiyo ee uu wax udhiibo
Intan eeg oo u fiirso markasta si darenkaaga usoo jeedsado
Waxaad eegtaa qof aan waxba haysan oo hayn la.aaanta haysataa u dheeryahay
fikir werwer iyo dhibaatooyin u dheeryijhiin sida lagayaababa inay qofkaas udheeryihiin xanuun iyo caruur baaahan oo ka daba ooyaysa kuwaas oo aan haysan wax ay cunaan
Dadka qaar baahidu halkaas ayay ka gaadhay kuwaaasi ilaaahay waxba uma waayin ee inaga ayuu inagu eegayaaa sidaan ka yeelno xaaalkooda iyo sida aaan u qaabilno dhinka haysta ee wax ula qabanno
Madaamoo baahanyihiin oo ay yihiin dad baaahan waaa in qofkasta uu ka war hayaaa dariskiisa ku ag hareeraysan hadii aaanay waxba haysan waaa inuu la qabtaaa wixii uu la qabankaro ee uu awoodo masaakiinta jaarikiisa ah
Jaarkuna way ka mudanyihiin dadka kale ee kaa fog
Hadaba ninka la dhaho (غيث) (qeith) ee samafalka ah waxaan aragnaa inuu umada ka qariyay wejigiisa oo umada uu wax uqabanayo aaanu wejigiisa camerada ku qaban taaasi oo uu qariyay kolayna aaan filayno inuu alle dartiisa uqariyay wejigiisa si aaan dadku u garan oo alle dartiis uun umada wax ugu qabto
Barnaamijkiisa waa barnaamij xanbaarsan dareemo gaaara oo qofkasta uu daawado dareemayo qiiro gaaara iyo dareen gaaara oo soo jiidasho leh oo damqasho mar waa soo jiidasho oo waxaaa qofka soo jiidanaya sida wanaagsan ee uu umada u caawinayo oo uu wax ugu qabanayo taasi waa dareen gaara isagana waxaaa uducaynaya qof kasta oo arka muuqaladiisa taaasi oo ka dhigan in qof walba uduceeyo marka laga yimaado umadda uu wax uqabanayo ee uu uducaynaya
Marna waaa damqasho oo qofkii daawadaa wuxuu ka damqanayaa umadaaa iyo dhibka haysta iyo mushkiladaha haysta ee uu qofku ka cabanayo markaa uu waramayo qofkii daawadaana xaqiiqatan dareenkiisa wuu is bedelayaa oo wuxuu dareemayaaa damqasho gaaara oo qalbigiisa ayaaa gubanaya qofka
Sidaad darteed dareemadakale ee uu xanbaarsanyahay muuqaaladiisu waxay tahay mid ku cibro qaadasho mudan oo umadaa dhibaataysan uu qofku ku cibro qaadanayo waayo dhibkasta oo dhaca oo qof haysta runtii waa inuu qofka kalena ku cibro qaataaa inay jiraaan umado dhibaataysan oo mushkilado haystaan isna waxba kaga duwanayn kuwaa dhibaataysan ee alle kuwa dheregsan ku eegayo kuwa gaajoonaya si ay ugu naxariistaan kuwaa dhibaataysan
Si kastoo xaaladu tahay qofka alle bariga iyo baryada alle ha badiyo waxaa laga yaabaaa wakhti alle ducada ajiibo inuu ku beegmo qofku marka uu alle baryayo ee quusashada qofku qaadanayo naftiisa hakala dagaalamo ilaahayna inuu mar uun ajiibi doono ha ogaaado taasi niyada ha geliyo si aaanu naxariista alle qofku uga quuusan
Allaaaah ayaaa mahad iska leh
WQ:FARXAAN CABDILAAHI CABDI
0 Comments