Hadaba qofkasta waxaa la gudboon inuu ilaaliyo wakhtigiisa sikastooy tahayna uu xisaabtamo isagoo naftiisa usheegaya xaqiiqada dhabta ah ee lagudboon waayo qofka marka uu naftiisa xisaabinayo qofna naftiisa been uma sheego qofka markuu gaar yahayna way kasii fiicantahay inuu naftiisa xusaabiyo waayo kali noqoshadu waxay ku fiicantahay inuu qofku naftiisa si degen u xisaabiyo isagoo eegaya ama fiirinaya shayga dhabta ah ee ku xeeran agtiisa ama arimaha uyaala ee ay tahay inuu naftiisa usheego inay ka fiirsato ama ay ku dhaqaaqdo
Arimaha ku ag xeeran ee uu ka fikirayo
Hadaba wakhtigu waa waxyaabaha ugu qaalisan ee qofka ay tahay inuu marwalba ka fikiro waxa uu kaga baxayi wakhtigiisu hadii wakhtiga qofka uu kaga baxayo maalaayacni aan qofka nafci ulahayn wuxuu ogaan doonaa oo uu dareemi doonaa marka uu wakhtgaasi dhaafo ee uu lumiyo wakhti aayna waxba utarayn shalayto iyo murugo toona laakiin wakhtiga ay tahay inuu qofku ka faaidaysto oo uu naftiisa wax utaro waaa marka uu hayo wakhtiga shaygii uu kaga faaidaysanlahaana uu hayo laakiin hadii aanu qofku wakhtigiisa hoos ufiirin oo aanu hoos u eegin runtii arintaasi waxay noqonaysaa mid mustaqbalkiisa danbe wax udhinta hadii aanu ka fiirsan qofku inta uu wakhtiga hayo oo aanu isdaba qabanin
Wakhtigu wuxu kamid yahay arimaha la is waydiin dooono maalinta qiyaame gaat ahaan dhalinyarnimada siduu nabigu scw uu inoo sheegay dhalinyarnimadii wxii aad kusoo lumisay wixii ay kaaga baxday wixii aaad ku soo qaadatay ayaa lagu waydiin doonaa maalinta qiyaamaha
Wakhtiga dhlinyarta aaad tahay waa inaad kaga faaidaysataaa arimaha ku anfacaya sida
1 waxbarasho aqoonta diinta islaamka iyo aqoonta maadiga ah ee ku anfacaysaba
2 waa wakhti uu xoogaa dhamaystira yahay waana wakhti aaad qabdankarto arima badan oo aaadan qaban karin beri marka aad waynaato hadase ay kuu fuddudahay inaad qabato waxyaabo badam
3 waa wakhti aaad shaqaysankarto oo awoodii shaqo aaad leedahay oo aan kuu lamid ahayn wakhtiyada kale waxaadan ka shaqaysankartaa waxyaabo bada mid xoog lagu qabto ha noqoto mid la xamaalo hanoqoto laakiin hadii aad maanta kaga faaidaysan xoogaaga beri wakhtigu hadii uu is bedelo awoodimaysid inaaad samayso ood qabato shayga aad maanta qabankarto
Madaamoo nimcooyinkaa ay leedahay dhalinyarnimadu maanta ayay tahay inaad intaaba faaidaysato waayo wakhtiga ugu qaalisan ee kusoo maraya
Wakhtigaaga qorshee oo qorshe uyeel aaad raacdo maalinkasta qorshaha aad usamayso naftaaada waxay kuu sahlaysaa inaad sifiican uga faaidaysato wakhtigaaga taasina waxay kuu sahlaysaa inaad qirshe yeelato maalin kasta shaqadii aaad qabanlahayd aaad qorshe uyeesho
Habeenkii isla xisaabtan wixii aad qorshaysay maxaa ka fulay maxaase aaan ka fulin hadii qofku intaa iswaydiiyo hubaal wadadii ama dariiqii guusha wuu hayaa laakiin hadii ay noloshiisu noqoto cun oo cab soo kac badana seexo waxba kumaad soo kordhin noloshaada aan khasaare ka ahayn berina aaad ogaan doonto shaygaa aad dayacday dhibkiisa si aadan taa udareemin maanta fikir
Hadii qofku uu darajadisa ku gaadhayo cuno iyo cabitaan cidina may dhibteen waalidkiina ma dhibeen oo iskuul u kalah ama madarasada ukalah lama idhaahdeen oo waxbrasho ukalah lama dhaheen
Laakiin iska fadhi aduunyada micno kumasoo kordhinayso ee waxtarka iyo socsocoshada ayaa aduunyada wax kusooo kordhinaysaa
Hadii aaadan dhaqdhaqaaq samynin waa fashilmi àaakhirka
Hadaba cumrigaaaga si aaad badhaadhe ugu noolaato oo aaadan beri ku xumaanin wixi ku dhaafay maanta ka faaidayso oo wakhtigaaha maaareee oo qorshee hadii kalena sikinkii aad dayacdaaba beri wuu kaa daba imanayaaa hadi aaadan maanta sikinkaaa wuxuun aadan kaga faaidaysan
Maalinka qiyaamahana waa lagu waydiindoonaa wuxii aaad kusoo qadatay wakhtigaaaga eed kusoo lumisay
Ilaahay haynaga dhigo kuwa ka faaidaysta wakhtigooda kagana faa idaysta wixi wax tar uleh aakhiro iyo aduuunyadaba
Allaah ayaa mahad iska leh
WQ:FARXAAN CABDILAAHI CABDI
0 Comments