Give yourself a boost

 Horumar gaadhsii naftaada mar walba



Naftaada horumarkeeda markasta waxaa qacanta ku hay waa qofka hadii uu rabo inuu ka dhabeeyo inuu naftiisa isbedel dhaba ku sameeyo isbedelka uu ku samaynayo naftiisa qofka waa mid ubaahan inuu talaabooyin badan qaaado  taaloobooyin uu ku samaynayo dhinacyo badan oo isbedelo ah 

Horta waxaaa muhiim ah inuu qof walba ogsoonaaado ay tahay muhiim in alle waafin hadii aanu kusiin aadan waxba qabankarin sidaa aawadeed marka hore allaaah aaad barido waydiisatidna inuu ku waafajiyo waxkasta ood qabanayso kuna celceli baryada rabigaa oo haka caajisin 

Intaa kadib naftaadana aaad go.aan siisid sidii ay horumar ugaadhilahayd horumarka qofka naftiisa uu gaadhsiinayaa dhinacyo badan ayay noqonkartaaa 

Dhinaca waxbarashada 

Dhinaca dedaalka 

Dhinaca samirka

Dhinaca fikirka 

Hadaba waxay ku xidhantahay hadba sidii aad ufikirayso ee niyadaaada ku jirta sidii aaad horumar ugaadhsiinlahayd 

Fikirka qaabka aaad ufikirayso isaga laftiisa wuxuu noqonkaraa horumarka naftaadu halka uu ka bilaabmayo waayo hadii aanu qofku fikirayn albaabkii horumarku wuu ka xidhanyahy wuxuuna ku furikaraa albaaabkaas maskax iyo fikir dheeraada oo uu qofku sameeyo hadii aanu fikir iyo maskax uu ku fikiro lahayn oo maskaxdiisii aanu ka shaqaysiinayn albaabkaa waxaa u furikaraa markaa uu adeegsado maskaxdiisa 

Madaamoo fikirka aynu nidhi waa halka uu kasoo bilaabmo horumarku qofka waxaa muhiim ah halka seeska u ah ee uu ku taaganyahay horumarkiisu waa inuu kasoo bilaabaaa 

Intaa kadib waxaad ugudbaysaa maxaa ku xiga fikirkaaaga ood samaynkartaa ama aaad qabankartaaa si aaad ugaadho horumar iyo hiigsi dheer 

Maskaxdii iyadaa is furfuraysa hadba sida aad u adeegsato ayay iyana iskugu kaa furfuraysaa intaa ka dib waxaad ogaanaysaa halkeed ka bilowdaa horumarkaaga ma dhinaca waxbarashada mise dhinaca ganacsiga qofkastaaba meelbuu ku fiicanyahy dadka qaar waxay ku fiicanyihiin waxbarashada hadana wuxuu qofku iswaydiinayaaa baabkeed kaga fiicantahay ama albaabkeed kaga fiicantahay dhinaca waxbarashada ma dhinaca diiniga hadii au jawaabtiisu haa noqoto hadana wuxuu iswaydiinayaa fanigeed ku fiicanthay ood ka takhasusikartaa intaaa oo su aaalood marka uu is waydiiyo intaaba waxaa gaadhsiinaysaa halka ugu danbaysa waaa maskaxda qofka 

Hadana waxbarashadii maadiga hadii uu qofku ku fiicanyahay hadana su aashii hore mid lamida ayaa imanaysa halkeed kaga fiicantahay ilaa marka danbe uu ka ogaado qofku iyana halkaa uu ku fiicanyahay iyo maadada uu ku fiicanyhay ee mudan inuu barto 

Intaaa markay maskaxdii aad adeegsatay ku gaadhsiisay hadana waa inaad sii adeegsataa ood iswaydiisaa sideed heer uga gaadhikartaa aqoontan aad ku fiicantahay marwalba waxaa ku hagaysaa waaa maskaxdaada 

Hadaba waa inaad samaysaa ood raadisaa ilaaa aaad hamigaaga ka gaadhayso dariiqii aaad umarilahayd hadafkaaga kama danbaysta ah 


Dariiqa aad marayso markasta waxaa dhinac socda caqabado marwalba ku hor taagan waa sbabata aaan qoraalka xagiisa sare aan unidhi 

Si aad horumar u gaadho horumarkaasi dhinacyo badan ayuu noqonkaraaa waxaynu ka dhignay samirka inuuu yahay isaga laftarkiisu horumarka la gaadho waayo hadii aanu qofku adkaysi yeelan oo aanu naftiisa samirka ku edbin siduu horumar ku gaadhikaraa 

Taas jawaabteedu way cadahay oo ma gaadhikaro weeye 

Aduunyadana waa imtixaan qofka ka imtixaamayo dhinackasta oo horumar kaa xigo waxaa kasoo horeeya waaa imtixaankaas aakhiro inaaad guulaysato  ood janada ku guulaysato waxaa kasoo horeeya waa imtixaanka aduunyada ood ku baastid kadib markaaad imtixaaankaa aduunyada kuu baasto ayaad janada galaysaa hadiikale jano geli maysid 

Saasookale aduunyada markaad samir yeelato caqabadaha kaa hor imanayana aaad adkaysato kadib waxaad gaadhaysaa yoolkaaga iyo hamigaagii iyo ujeedkaagii aaad lahayd laakiin hadii dabayshii soo dhacdaaba haday ku qaadato ood samir yeelan  weli waxaad ahaanaysaa qof weheshada caqabadaha ilayn dayrkii caqabada kugu ahaa waadigan duminkariwaayee ee samir yeelan waayee

Hadaba qofka naftiisa waxaa muhiim ah inuu qaado talaabo kasta isagoo ka fiirsanaya oo ka baaranadagaya ka fikiraya fikir dheer dabadeed waa inuu qaadaa talaabada ku haboon ee markaa la gudboon  inuu qaado 

Iskana ilaali weligaaa inaad noqoto qof marwalba bood booda oo kolba meeshii uu is yidhaahdo gal ama waxaa samee oo kolba meel uguuraya salkana meel aaan ku hayn  ha noqon 

Taas hadii aad noqoto waxaad ahaanaysaa mid uu kalumay hadafku hadii dariiqu kaa lumana xaqiiqatan wax aad ka midho dhalinaysaa majirto wakhtiguna wuxuu kaaga dhacayaa hadba sidaad kolba meel ugu socoto eed kolba meel ugu jeeedo aaakhrika danbena waxaaad ku danbaynaysaa fashil 

Qofka iyana waxaa muhiim ah inuu barto oo uu aqoon yeesho isagoo markasta ka taxadaraya inuu maro dariiqii xun oo aaan horumar ku gaadhayn waayo aqoontu waxay ka ilaalinaysaaa inuu maro dariiqii uu ku fashilmilahaaa 




Hadaba samee qodobadan si aaad u gaadho horumar waara 

1 ilaahay kaasho oo talo saaro oo arimahaaga udhiib tala saarashada rabj ha ilaabin markaste oo ilaahay bari si uu kuu waafajiyo wixii khayr kuu leh eee horumar ku gaadhikarto 

2 naftaada diyaari oo dhabta ka warayso oo xaqiiqada usheeg inay horumar gaadhi karin ilaaa uu naftiisa hogaamiyo mooyaane oo naftaada tarbiyee oo barbaari si ay ugu fududaato horumarku

3 latasho dadka wanaagsan ee khi rada u leh arimaha aad rabto inaad ka gun gaadho dadkaa aaad la tashanaysana isku day markasta inay  ahaadaan dad kooban oo khibrad leh hanoqon mid la tashada kolba cidii kasoo hor baxda waayo mararka qaar dadka aad ka tashanaysaa hadii aaad isku badiso waxay keeni kartaa intasoo dadi inay fikirka ku kala duwanaadaan kala duwanaashahaasina maskaxda qofka ayay ku heelanaysaa raaaaaaad oo qofkii wuxu ku dawakhayaaa fikirka uu qaadnalahaa noocuu yahay marka danbena waxaa lagayaabaa inuu dawakho oo hadafkii iyo ujeedkii ulahaaba ay ka lunto dariiqii uu umarilahaaa taasina waa mushkilad uunbuu ka faaidee wax tar kamuu faa idin 

4 markaad qorshe rabto inaad samayso waxaad isku daydaa inaad ka dhigto qorshahaaga mid dariiqii aaad umari lahayd aaad hayso markaad dariiqi heshana ku sabir oo dariiqa haka leexan ilaaa aad ka gaadhayso ujeedkii hadii aaaad ku fashilantana ha niyad jabin si kastoood ufashilanto waayo aqoonta aad baranayso waxaa dhicikartaba qaab aad islahayd waxabaad ku barankartaaa oo waxbaad ku fahmikartaaa aad islahayd inuu dariiqiiba kaa khaldamo iyi qaabkii aad umarilahaydba hadana raaadi dariiqii aaad wax ku fahmilahayd wax ku xifdinlahayd wax ku bara lahayd ilaaa aad kagaadhayso dariiqii ku anfacayay eed horumarka ku gaadhilahayd 

5 ha caajisin waayo caajisku wuxuu ka dhigayaa naftaada mid bilaa awooda oon waxba qabankarin hadii aaad caajistana markasta isku day inaad naftaada soo kiciso ood uga waranto halkay usocoto inayna  caajis iyo daal inayna ku gaadhikarin ee kolba samee wixii hamigaaga kor ukicinyaa sida akhriska buugaaagta dadkii guulaystay si ay naftaaduna cashar uga barato guusha dhabta ahna u gàadho 

6 wakhtigaaga ilaali oo haku lumin shay aaan  ku anfacayn hadii aaad ku lumiso naftaada shay aaan ku anfacayn aakhrika danbe waxaaad ogaan doontaa in wakhtigaagii kaa lmay kaagana lumay malaa yacni aaan nafci kuu lahayn hadii uu wakhtigu kaa lumana shay qaaliya oo agtaada yaalay ayaa kaa lumay taaa ogsonow  mar walba ku dedaal inaad ilaaliso wakhtigaaaga daycaadana ka ilaaliso

7 isku day inaaad samaysato saxiibo wnaagsan oo kugu dhiirgeliya ..marwalba wanaagaaga ood ku dayato kolba aaad kaga dayato wixii ku anfacaya iyagana aad la rafiiqdo oo ay kugu caawiyaan markasta wanaagaaga waayo saaxiibka wanaagsan waa qay  kamida dhiir gelinta waaayi iyaga ayaad ku dayanaysaa 

8 iska ilaali saaxiiibka xun waayo wuxuu kaa dhigayaa sidiisa oo kale markastana wuxuu kugu yeelanayaaa saamayn xun oo adigana raaad xun kaaga tagta 

Qodobadaas ayaan kusoo gabagabaynayaaa inka badan oo aaan ahayn intan aan hada sheegayna way jirtaa oo qofka anfacaysa 

Ilaahay xaqa hayna waafajiyo 

Allaaah ayaa mahad iska leh 

WQ:FARXAAN CABDILAAHI CABDI

Post a Comment

0 Comments