Xasuusta qofkasta maankiisa iyo maskaxdiisa ku jirta wakhtiyada qaaar waxay ka dhigtaaa mid uu qofku isbedelo oo maankiisa iyo niyadiisu isbedesho xasuusta aawadeed waayo qofku wuxuu xasuusanayaa laga yaabaa shay agtiisa muruggo ama farxad ku leh
Murugada qofka markuu xasuusta maalin iyo wakhti murugo badanlahaa niyadiisa waxay isku bedelaysaa mid damqata oo ka damqata dhibaatadii iyo mushkiladii soo martay wakhtigaa markaas ayuu qofkana ficil ubedelaaa dareenka .maskaxdiisa iyi xasuustiisa
Aduunyadu waa imtixaan qofkana farxad iyo murugo way soo martaaa
Xanuunka uu qofku qalbigiisa ka dareemayo waa shay runtii dhibkiisa leh dhibaatooyinkuna way sii kala waynyihiin sababtoo ah dhaawaca qalbiga qofka soo gaadhaya ayaa ah mid kala wayn oo mushkiladaha qaar qofka waxay ka dhigaan inuu maskaxdiisa iyo qalbigiisu isbedel ku yimaado isbedelkaas oo qofka ka dhiga mid xataaa maskaxdiisa shoodh ku furmo nooc waaliya
Mushkiladaha qaar qofka waxay ka dhigaan mid uu qofka uu waashaba
Dhinaatadaa kusoo maraysaa qofka waxay ubaahantahay inuu xaliyo mushkiladaha ku ag xeeran ee sababaya inuu qofka maskaxdiisu isbedesho
Waxayna mushkiladu xalkeedu u wanaagsanyahay ee uu ufiicantahay marka mushkiladu cusubtahay ee u horaysa xalkuna markaaas ayuu ufiicanyahay
1 Waxaana qofka la gudboon inuu niyadiisa iyo qalbigiisa soo jeediyo oo uu fahmo in qadarka alle marnaba uuna seegeen taaasi waxay ka dhigaysaaa qofka inuusa is raacin dhibka ku dhacay oo uu maskaxdiisa ku noqon mid wayn oo waxyeelo soo gaadhsiisa
2 Waa inuu qofku wakhtigaa niyadiisa is raacin waayo qofka qalbigiisu wuxuu usoo gudbinayaa waxa ku dhacay ee dhibaato ah inayna fududayn maskaxdiisiina way ku waaynaanaysaa xaaladu markaas ayaaa qofka xanuun maskaxda ahi ku dhicikaraaa hadii uusan markaa alle waafajin inuu niyadiisa soo jeediyo oo uu niyadiisa ka dhigo .mid degen oo bilaa mushkilad ah dhibaataduna markaa agtiisa fudayd ayay ku noqonaysaa
3 waa inuu wakhtigaa ilaahay baryo oo uu waydisto inuu muskilada ku dhacday ilaahay qalbigiisa uga reebo baryadaasina xaaaladaa adag ee uu qofku ku jiro inuu alle ka aqbalo ayaa lagayaabaaa maadaamoo xalaadaa adag ilaahay xasuustay
Hadaba qofka hadii uusan garnayn xaalad kasta oo soo maraysa qaabka loola dhaqmo iyo qaabka. Loo xaliyo dhibaatada taasi waxay iyana kusii kordhinaysa qofka inuu xaalku ku adkaaado hadii uu xaalku ku adkaadana qofna jahli usii raaco karkaaarka ayuu waydaaranayaa qofku dhibka ku dhacay culayskiisana xamili maayo
Saasookale qofka waa inuu ogaaado culays kasta iyo dhibkasta iyo mushkilad kasta oo uu dareemayo inay ka danbeyso fudayd uu alle ufududayn doono xaalada adag ee uu ku jiro waayo culays kasta fudayd ayaa lasocda sida alle kitaabkiisa inoogu sheegay
Qofka hadii uu intaa dareemo iyana waxaa fudud inuu si dhibyar usoo kabto qofku dhibkii ku dhacayna kasoo kabto oo uu qofku caaadi noqdo marka danbena xaalkisu wanaaag isku bedelo
Waxaaa kale oo iyana mudan in qofka xaaladaaa adag ee soo wajahaysa cadho iyo calool xumo kusii biirinaysa culays inuu qofku isku furo taaas oo marka danbe mushkilada kusii adkaynaysa markasta degenaanta waa muhiim
Aduunyadu maadaamoo aynu nidhi waa imtixaan
Hadana qofka waxaa soo mara wakhtiyo farxas badan oo uu qofku farxo
Farxadaa qaarkeed ayaa qofka ka dhiga mid uu xasuuteeda iyana saamayn ay kaga tagto qalbigiisa iyo maankiisa taasi oo iyana keenaysa in wakhtigaas iyo waayihiisii wanaagsanaa marka uu soo xasuusto qofka ka dhigaysa mid uu dareenkiisu isna isbedelo oo qalbigiisu is bedelo taaas oo ka dhigaysa qofka mid dareen gaara u xambaarsan sida dhibkaba marka uu xasuustiisa dareemo qofku isku bedelayo oo uu dareen gaara usamaynayso
Aduunyadu maalina way kaa farxinaysaa oo waadigaa farxad iyo qosol.isku daray iyo degenaan uu qofka qalbigiisu dego
Maaalinna waa taa kaa murugsiinaysa ee murugteeda iyo walbahaarkeedu qofka saamaayn ay ku yeelanayso maskaxdiisa marka danbena ka dhigikartaba inuu qofku xaaladiisu mid adag ay noqoto
Si kastaba ha noqotee aduunyadu mahan meeshii dhabta ahayd ee aynu ku noolaanlahayn ee nolosha ku qaadanlahayn ee aaakhiro ayaaa mudan in qofku xasuusnaaado taaasaa nolosha dhabta ahi tahay
Nolosha wanaagsan waxaad heleysaaa markaaad aakhiro xasuustaadu ku jirto hadii aakhiro xasuustaadu ka baxdana nolosha adag ayaaa kusoo.wajahaysaa qof aakhiro ilaabay dhibka aduunyada ayuunbaa ku bata marka uu qofkuna aduunyada daba cararo
Ilaahay sida xaqa ah hayna waafajiyo
Allaaaah ayaaa mahad iska leh
WQ:FARXAAN CABDILAAHI CABDI
0 Comments