Dadaal markasta oo ha niyad jabin
Qofku hadba inta uu dedaalo ayuu midhihiisa guranayaa intaas waxaa garankara qofkasta oo caqli leh oo fayow oo maskaxdiisu soo jeedo oo ay fikirayso markasta kana fikirayso kustaqblka danbe ee soo socda iyo waxa u danbeeya ee ay noqon doonto dadaalka uu samaynayo midhihiisu hadaba qof walba niyadiisa iyo maankiisa wuxu ku hayaa inuu dedaal badan sameeyo markasta hadana waxaaa dhacda himiladii niyadiisa ku jirtay inuu la kulmo kacaa kuf badan oo uu qofku marayo marxaldaha caqabada taas ah dayr kasoo sokeeya midhihii uu goosanlaha
Qofkasta himiladiisa gaadhisteeda hadba wixii kasoo sokeeya intuu yahay ayaa qofku mooraalkiisu yahay dadka qaar dadaalka ay samaynayaan waxaa hor istaaga inay gaadhaan himilooyinka ay leeyihiin waxa caqabada hor taagan taas oo dadka qaar ku keenta niyad jab iyo niyad xumo baahsan aakhrika danbena sabata inuu ka hadho himiladiisa kadib markii uu ka boodi kariwaayay dayrka kasoo horeeya ee hortaagan inuu midhaha gudaha soo gurto
Dadka qaar waxay yihiin kuwo garanaya caqabadaha hortaagan oo markasta og inay jirto himila kasta oo uu gaadhilahaa caqabad kasoo horaysa xisabtana ay ugu jirto shay si dhibyar lagu gaadhayaa inayna jirine shay kasta ay caqabadi hor taagantahay caqabadaa hadii uu ka gudbana midhiihii dedaalkii inuu goosanayo arintaa markay ogaadaan ee ay niyadooda iyo maankooda galiyaan arintaa taaas waxa ka dhalanaya inay u adkaystaan caqabad kasta oo ka hor timaada marka danbena ay gaadhaan guusha dhabta ah ee ay usoo samrayeen
Dad badan oo sidaas ah ayaa jira oo og caaabadahaa samirkeedana leh laakiin dadka sidaa ufikiraya weli si dhaba naftooda uga dhaadhicinaya arintaas ee ah inay jiraan markasta mushkilado iyo dhibaatooyin ku ag xeeran dadkaas way yaryihiin intaa caqabadahaa niyadooda galisaa way badanyihiin ayaynu odhankarnaaa laakiin inta xaqiijisa natiijada ayaa yar waayo qofka maskaxdiisa way daashaa waana dadka samirkoodu yaryahay qofna maskaxdiisu ma daashee wuuu ku sii socdaa qorshihiisa
Dedaalku inuu yahay shay wanaagsan oo qofka wax kusio biirinaya inta garanaysaa way badantahay hadana dadka qaar waxaa jira kalmadaa cuqdad ka qaadaya hadii ay maqlaan kalmada dedaal waayo waxaa jira agtiisa liidasho iyo gaabin uu ku sameeyey dedaal badan oo uu samaynlahaa intii uu jiray ee wakhtiha u hayay inuu dedaalo qofna ma naco shay wanagsan hadiina agtiisa ayna jirin shaygaa wanaagsan inay naftiisu ka gaabisay
Hadana quusashada waxa la dhaho wa shayga u liita ee qofka ku dhaca
Dedaal xumada waxa ka xun quusashada hadii uu qofku quusto xaqiiqo ahaan qofkaas agtiisa waxa dul hoganaya waxaynu odhan karno dhimasho shaqsi ah waayo qofka quusta waxaa kaliya ee uu kaga duwanyahay qofka dhintay waxaa qolfoofka nool ee soconaya waayo quustu waxaa ka dhigaysaa qof naftiiisii dayacay dhinac walbana ka dayacay ama waxa ay ka dhigaysaa sidii qof dhaawac culus soo gaadhay oo aan hadana dhaqdhaqaaqi karin si kastoo isku yidhaahdo dhaqdhaqaaq samee hadana ma dhaqdhaqaaqi karo waayo xubnihi uu ka dhaqaaqilahaa ahaa ayaa dhintay saaskokale qofka quustay isna markasta hadii uu is yidhaahdo dhaqdhaqaaq samee ma samaynkaro waayo quusta ayaa ma dhigtay mid albaab walba ka xidhanyihiin weligaa ha quusan
Hadaad quusato maalinkaas ayaa kushkilado oo dhami agtaada kusooo ururayaan inta aadan quusanina waa inta aad haysato nicmo aadan dareensanayn oo alle kusiiyay
Hadaba dedaal oo samee waxkasta oo dedaalkaaga sii kordhinaya waxay doontaba ha noqotee
Dadka qaar waxa lagayaaba inay dedaalaan waxa ku kicinkara inay tahay markay arkaan saabiibadood ee dhigooda ahaaa oo dadaalaya markay arkaan iyana ku daydaan inay sidoodoo kale udadaaalaan
Mararka qaar waxaa keena dedaalka akhris inuu qofku sameeyo oo uu akhristo qisooyinka dadkii guulaystay iyo caqabadihii ka horyimid iyo siday uga gudboon inuu akhristo kadibna isna uu halkaa ficil ka qaado oo uu dedaalo
Dadka qaar ayaaa waxa laga yaabaa inay dhiirigelin uun ay wax ku leeyihin marka la dhiirgeliyana ay sidaa ku dedaalaan oo waanadaaa qofka uu u sheegayo inuu alle isbedel uu qofkaas ku sameeyo ayaa dhicikartaba
Dadkuna way kala duwanyihiin dhanka fahamka iyo wax sheega siday wax u qaadanayaan hadaba arimahan samee si aad dedaalkaaga kor ugu qaado
1 naftaada ka sheekayso oo iswaydii arimaha uhaboon ee danta u ah inay samayso ee ay hadana dayacday
2 naftaada ka dhaadhici in dedaalku danteeda yahay beri hadii ay wax noqoto oo horumar ay gaadho naftaadu inay iyadu goosanayso midhihii dedaalka
3 naftaada ka dhaadhici in hadii beri horumar ay gaadho aad ku faanayso niyadaadana ay daremi doonti marka ay goosato midhahaa raaxo iyo degnaashiyo
4 dadaal la.aantu inay tahay waxyaabaha naftaada dib udhigaya ka dhaadhici berina inay ka qoomamayndoonto dedaal xumadii naftaada haysatay
5 ka dhaadhici naftaada inay la tartanto qayrkeeda dadaalaya ee maalin walba ku hawlan sidii ay naftooda u horumarinlahaayeen
6 naftaada waxyaabaha dhiirigelinaya ee ay dedaalka kasi qaadayso samee sida akhriska dadka guulaystay iyadoo naftaadu halkaa cibro ka qaadnayso iyo dadka dedaalay ee kugu ag xeeran midhihii ay goosteen ee ay dedaalkoodu sababta u ahaa iyana naftaada u sheeg inay beri heerkaa gaadhikarto hadii ay maanta dedaasho soomaliduna waxay tidhaahdaa dedaalaa xaaji cabaas uu gaadhaa uuna dhaafaaa
7 niyad jabka iska ilaaali weligaa ha niyad jabin si kastooy xaaladu kuugu adkaato waayo maalin uunbaad gaaadhi himiladaada iyo waxyaabaha aaad ku riyoonayso inaad gaadho hadii aad niyad jabtana ogow halka wax laga qabtaaa waa niyadee mahan qalfoofka markaa niyadaa dhis markaste iskana ilaali waxyaabaha sababaya inaad niyad jabto
Ilaahay hayna gaadhsiiyo himilooyinka aaan leenahay
Allaaah ayaa mahad iska leh
WQ:FARXAAN CABDILAAHI CABDI
0 Comments