count yourself

 Qofkastaa naftiisa ha xisaabiyo



Qof walba oo aduunkan jooga waxaa waajib ka saaranyahay naftiisa inuu ilaaliyo kana ilaaliyo waxkasta oo naftiisa khatar ku ah oo aan munaasab u ahayn oo keensanaya in naftiisu noqoto mid liidata oo dhinacyo badan hadii laga eeego ay naftiisu noqonayso mid aaad u liidata 

Hadaba qofku marka uu noqdo qof naftiisa ka adag taasi waxay usahlaysaa inuu ahaado mid naftiisa xisaabiya oo is waydiiya 

Maxaa usoo kordhay naftaada ?

Maxaa naftaada dan u ah?

Maxaa naftaada ku horu mari kartaa?

Maxaa naftaada dib udhigaya ?

Maxaa naftaada khatar ku ah?

Su aalahaa ayuu qofku is waydiinayaa marka uu naftiisa si dhaba u xisaabinayo hadii uu yahay mid aan xisaabin naftiisa suurtagal mahan inuu qofku iswaydiiyo su aaalahan waayo wuxuu qofku ahaanayaa mid ka dhacsan noloshiisa oo aan ka war qabin wixiii naftiisa usoo kordhay iyo wixi ka dhacayba 

Madaamoo muhiim tahay inuu qofku naftiisa xisaabiyo caqliga saxda ahina arintaa inoo sheegayo qof kastaa waa inuu naftiisa la sheekaystaa oo iswaydiiyaa su aalahaa aan soo sheegnay kadibna uu ugudbaa oo naftiisa waydiiyaa wixii uu maanta qorshaystay ama shayga uu ku mashquulsanyahay ee uu rabo inuu ka gaadho horu mar ha ahaato waxbarasho ha ahaato ganacsi ha ahaato cibaado uu dayacay ha ahaato arimokale oo naftiisa wax tar u ah oo uu dayacay waa inuu is waydiiyaa hadii uu wax dayacay sidee udayacay hadi uu wax lumiyay sideed ulumisay hadii wax katagay sideed uga tagtay hadii uu wax kharibay sideed u kharibtay waa inuu naftiisa marka uu su aalahaa waydiinayo maskaxdiisa galiyaa sidii uu usixilahaa waxaa uu khalday ee uu lumiyay 

Marka kaliya ee qofku naftiisa su aalahaa waydiinkaraa waa marka uu kalida yahay ee ayna cidi la joogin ama ayna cidi wehelinayn su aalahaasi markaas kalida uu yahay ayay munaasib ku tahay inuu qofku naftiisa waydiiyo kadib waxaa ufududaanaysaa xalka uu ka gaadhilahaa arimihiisa ama qorshayaashiisa 

Xisaabinta nafta waxay horseeda guulo wax ku ool leh oo uu qofku gaadhi karo hadii uu sidhaba u raaco talaabooyinka wanaagsan ee uu naftiisa usheegayo madaamoo naftiisa uu xisaabiyay jawaabaha imanaya ayaa ah inuu layimaado qaladaadkaa wanagyadiisa hadii wanaagyadaa si dhaba uu uraacana waxa xaqiiq ah inuu qofkaas guulaysanayo 

Guushu markasta caqabadaaa kasoo horeeya caqabadahaasna samir uu la kaashado qofkaasi xaqiiqatan wuu guulaysanayaa hadii samir iyo adkaysi aanu jrina waxaa adkaanaysa inuu qofkaasi guulaysto waayo samirku wa sad ama waa soor la quuto xiliyada adag 

Waayo aduunka waa iska imtixaan alle ayaa inoo keenay daartan si uu inooo imtixaamo qofkii ku guulaysta imtixaankaas ayuunbaaa aakhirana abaalkeeda helaya 

Sidaas si lamida hadii uu qofku imtixaanka iyo caqabadaha ka hor imanaya ee uu hadafkiisa ku gaadhayo uu samir iyo adkaysi kaga gudbo iyana waxaa dhaba inuu qofkaasi goosanayo midhihii samirka oo ah inuu gaaadho hadafkii iyo ujeedkii ulahaaa 



Waxyaabaha qofka inuu naftiisa xisaaabiyo ka faaidayo waxaa kamida


1 inuu qofku naftiisa oo sidhaba ubarto waxay ku fiicantahay wuxuu ogaanayaa waxyaabaha ay naftiisa ku liidato iyo waxyaabaha ay naftiisa ku fiicantahay intaaa hadii uu ogaadana talaabo ku haboon nafttisa ayuu qaadayaa si uu isbedel usameeyo

2 xisaabinta nafta iyo is waydiinta su aalaha aad waydiiso waxay kuu sahlaysaa inaad gaadho horumar iyo hiigsi  wanaagsan madaamoo sababta uu qofu naftiisa u xisaabinayaaba ay tahay inuu horumar gaadho 

3 xisaabinta nafta waxa laga faaidaa inaad la jihaado nafta iyo inaad dagaal.adag la gasho nafta taasina waxay kuu sahlaysaa inaad naftaada ka adkaato ood markasta adu wax uyeedhiso oo ayna iyadu wax kuu yeedhin ama ayna ku maamulin hadii naftaada aad ka adkaatana shar oo dhan ayaad iska xidhay waayo qof naftiisi ka adkaaday ayaa tahay laakiin hadii ay iyadu kaa adkaato shar oo dhan ayay kuu yeedhinaysaa waxayna naftu markasta jeceshahay xumaanta waxayna aaakhirka danbe kugu hagaysaa inay ku halaagto 

4 xisaabinta naftu waxay qofka siisaa inuu talaabada uu qaadaba uu ka fiirsado halka uu u qadayo marka uu talaabo qaadana meel sax ah ayuu talaabadiisa u qaadayaaa 

5 qofka naftiisa xisaabiya dedaalkiisa ayaa badan oo markasta su aalaha uu is waydiinayo ayaa ka dhigaya qofka inuu dedaalo 

6 qofka naftiisa xisaabiya xumaanihiisa iyo qaladkiisa ayaa yaraaada waayo markasta waxa uu isku dayayaa inuu naftiisa saxo kana sax qaladaadka inkastoo bani aaadan aaan nahay maakinkastana aaan qalad galayno ilaahii ina abuuray ayaynu qalad ka galnaaaye bani aadamna maxaad umalayn 

Intaaas aynu soo sheegnay waa arimaha aan is nidhi markii aan maskaxdayada ka shaqysiinay waa rimaha anfacaya qodka raba inuu naftiisa xisaabiyo  

Intaaa aan soo sheegnay in ka badanna inuu qofkale garanayo ayaa lagayaaabaaa waayo.qofba aqoonta iyo cilmiga heerbuu ka gaadhsiisanyahay 


Ugu danbayn waa inuu qofku naftiisa xisaabiyaa marka danbena waxay keensanaysaa xisaabtaasi inuu qofu naftiisa tarbiyeeyo


Allaaah ayaaa mahad iska leh

WQ:FARXAAN CABDILAAHI CABDI

Post a Comment

0 Comments