Qiimaha aduunyada

 Aduunyada iyo liidashadeeda




Aduunyadu waa shay liidata sida uu alle sheegay 

Aduunyadu waa ciyaaar iyo qurux iyo iskugu faan dhexdiina ah 

Saasuu alle ku sifeeyey aduunyada halkaa waxaynu ka fahmaynaa oon ka garanaynaa in aduunyadu liidato ooyna ahayn shay la isku dhiibo oo la isku qabqabsado inkastoo bulshadeena intooda badan ay ogsoonyihiin aduunyada xaalkeeda iyo sida ay uliidato garanayaana hadana qalbigooda iyo maskaxdooda si dhaba inayna ugu dhaadhicin ayaaad moodaa waayo ficilka ay samaynayaan ayaa arintaa ka turjumaya ee ah kala boobka ukala dheeraynta iyo jacaylka aduunyada



Aduunyadu qofkii daba carara waykasii fogaataa uun waayo jacaylka aduunyada ayaa qalbigiisa kuwayn inkastood jeclaatidna aduunyada  oo qalbigaaga kuwaynaatana hadba waa inta aadan gaadhayn ee ay kaasii fogaanayso uuun 

Qofka aduunyada aaan daba cararin ee isku xiijin ee isku daalin aduunyadu hoostiisa ayay timaaadaa waayo imtixaan alle aduunyadu  weeyaan  qofka bani aadaka ahina hadii uu sidhaba ufahmo imtixaanka kusocda taas bedelkeedana ku dedaalo imtixaankaa inuu ku dadaaalo sidii uu ugu  baasilahaaa 

Aduunyada qofka way ku balaadhataa sii dhexgalka uu sii dhexgalo waxayna noqotaaa meeel uusan kasoo gayoonkarin hadhaw adagtahayna sida uu ugasoo gayeedo oo uu isku daba qabto daba cararka aduunyada 

Ilaahay way kaa fogaynaysaa inaaad aduunyada sii daba cararto waayo mashquulkeeda  kugu badanaya waxaanad ka mashquulaysaa cibaadadii alle   ku saaray ee kugu waajibiyay taasina waxay sabab unoqonaysaa inaaad alle kala fogaataaan 

Hadii aaad ka mashquusho cibaadadii alle ku saaray taasina waxay sabab unoqonaysaa inay aduunyadu ku halaagto   

Aduunka daba cararkiisa waxalaga dheefaa


1 daaal badan ood ka qaadid

2 baaahi badan oo dushaada saaran 

3 faqri oo waxa uu haystaba umuuqanmaayaan waxkale mooyaaane

4 fikir badan oo qofka kolba waxa uu ka fikirayaa sidii uu u maaraynlahaa aduunyadiisa iyo shaqooyinkiisa 

5 qofka aduunyada daba cararaa waxa adag sida uu isku soo qabto hadhaw ee uu ugasoo noqdo aduunyada

6 lexejeclo badan  oo qofka uu aduunyada ka yeesho  qacan adayg uu ku qacan adkaado aduunyadiisa oo dadka isku nacaaan wax keen iyo wax isii  iyo mahayo uu dhaho qofku taasina waa la xejeclada uu qofku ka leyahay aduunyada iyo jacaylka uu u qabo   darteed 

7 urursi badan aduunyada urursado isagoo wakhtiyada qaar ku  kalifayso inuu isagu ka baahnaaado jacaylka aduunyada iyo sida urursigeeda uu u jecelyahay darteed taasina waaqic ahaan ayaynu u aragnaaa  dadka qanacsatada ah iyo xaalkooda inkastooyna iyaga laftoodu ayna sinayn oo ay ku kala duwanyihiin hab dhaqanka aduunyada hadana  in badan oo kamida qanacsatadeena  waxaa ka muuqda mushkiladahaa aynu soo sheegnay 


Allaaah ayaa mahad iskaleh 


WQ:FARXAAN CABDILAAHI CABDI

Post a Comment

0 Comments