How to be a good person

 Dadnimada iyo shakhsiyada wanagsani waa shay aaad uqiimo badan




Qofkasta waxaa uu jecelyahay inuu ahaado qof wanaagsan oo hagaagsan oo dadnimo bani aadantinimo leh hadaba saasokale waxaa uu jecelyahy in dadka kalena uu ka helo dadilnimo iyo ladhaqan wanaagsan  qofkasta oo bani aadam ahi markasta wuxu jecelyahy inloola dhaqmo si wanaagsan 

Hadbaa maxaa la gudboon qofkaaas raba in si wamaagsan loola dhaqmo


Waxaa muhiim ah in qofkaas uu ahaado qof shaqsi ahaan mudan in dhaqanka wanaagsan lagula dhaqmo uu isagu sifooyin wanaagsan oo dhaqan wanaag ah uu leeyahay markastana qofka naftiisa waa inuu ka bilaabaa intaanu nafkale arimaheeda ka hadal hadba intaad gaadhsiisantahay  wanaagaagu ayaaad dadkakalena ka helaysaa hadiiba aduu aaad qaribantahay shaqsi liita aaad tahay oo aan mudnayn in lasiiyo ama lagula dhaqmo dhaqan wanaagsan sideeed uraadinkartaaa dad kugula dhaqma dhaqan wanaagsan adoo naftaaada og inay sidaa uliidato 

Dhaqanka wanagsan maxaa la dheefaaa 


1 waxa laga dheefaa dad jacayl in dadku ku jeclaadaan maadaamoo ku sifowday dhaqan wanaaag 

2 waxaa laga  dheefaa ixtiraam dadka oo ku ixtiraama waayo qofku wuxuu kaa ilaalinayaa waxkasta oo.liita  maadaamoo aad tahay shaqsi wanaagiisu saamayn ku yeeshay bulshada inteeda kale 

3 waxa laga dheefaa wuxuu qofku ku sifaysanyahay oo uu ku suganyahay shay wayn oo alle nabigiisa ku amaanay waayo nabiga scw  alle wuxuu ku yidhi waxaad ku sugantahay akhlaaq wayn  taasina waxay daliil utahay in qofka dhaqankiisu wanaagsanyhay shay wayn uu ku suganyahay 

4 waxa laga dheefaa degenaashiyo waayo qofku dadkakale dhaqan wanaagiisa uu kula dhaqmayo waxay keensanaysaa inuu qofku dadka uu hanto dadkuna ficilkisa wanagsan wanaag ugu abaal gudaan isna sidaa uu ku ahaado qof degen oon cidna waxba caloosha ugu hayn 



Dhaqanka xumi waa shay aaad u liita oo dadka isna aaad isku nacaysaaan waayo dadkii waxay ku arkayaan adoo qof liita ah  indhaha markay kusaaraaan markiiba qalbigooda waxaa kusoo degdegaya nacaybshiiyo ay nacayaan shakhsiyadaada taaasna waxaa sabab u ah dhaqanka qofka ee liita waxyaabo xunxun ayuu qofku ka dhaxlikaraa dhaqan xumada 


1 nacaybshiyo bulsho dadka ood isnacdaan dhaqankaaga xun awgeed 

2waxa uu ka dhaxlayaa ixtiraamo la.aan isaga haysata iyo ixtiraam la.aan bulshada inteedakale ka haysata madaamoo dhaqanka qofkaas aaan wamaagsnayn 

3 ilaahay agtiisana danbi ayuu ka dhaxlayaa dhaqan xumada uu leeyahay awgeed

4 waxaa laga dheefaa degenaanshiyo la.aan iyo qalbi xanuun waayo qofku wuxuu cuqdad kaqaadayaa dadka madaamoo dadka intooda badani lagayaabo inay ku sheekaystaan dhaqan xumadiisa dadkuna wejiyo adag ku qaabilaaan taasina waxay sababaysaa inuu bulshada uu la coloobo 


Hadaba dhaqanka xun dhibaatooyinkaas ayaa laga faaa.idaa waxaana mudan inuu qofku iska ilaaliyo dhaqan xumada naftiisa iyo mustaqbalkisaba aaan ufiicnayn 


Allaaah ayaa mahad iska leh 


WQ:FARXAAN CABDILAAAHI CABDI

Post a Comment

0 Comments